Al Shabaab oo la sheegay in ay gubeen guryo dad rayid ah degnaayeen oo kuyaalla …

Wararka ka imaanaya degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab dab qabadsiiyeen guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaalla tuulooyin hoostaga Baxdo .

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab ku amreen dadkii degnaa tuulooyinka Biyo-days, Meegaag-duub iyo Xanaan in ay banaanka uga baxaan guryahooda kaddibna dab qabadsiiyeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in horey usii wateen qaar kamid ah dadka deegaanka ee guryahooda la gubay iyo xoolo ay lahaayeen, waxaa sidoo kale Al Shabaab lagu eedeeyay in ay duugeen baraagihii dadka biyaha ka cabi jireen.

Weerarada Al Shabaab ku qaadayaan deegaanada hoostaga degmada Baxdo ayaa sii kordhaya, maalmo kahor ayey aheyd markii Al Shabaab qarxiyeen matoorada ceelkii deegaanka Cada Kibir sidoo kale bur buriyeen isgaarsiintii deegaankaasi.

Deegaano katirsan gobolka Gobolka Galgaduud waxaa hadda ka socda abaabul ay wadaan dadka deegaanka oo isku diyaarinaya in ay la dagaalamaan Al Shabaab, waxaana hubka qaatay dad badan oo xoolo dhaqato ah kaddib weerarkii Al Shabaab ee Cada Kibir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -