Soomaalida Magaalada Zwolle [Nederland] iyo saameynta uu ku yeeshay Covid 19

Magaalada Zwolle waxay ka mid tahay Magaalooyinka ay dagan yihiin mushtamac-yada Soomaalida ee ku dhaqan dalkan Nederlands, waxaanna ka dhisan guddi metala Jaaliyada Soomaalida.

Axmed Hayaan oo ah Guddoomiyaha guddiga Jaaliyada & Cusmaan Abukar oo ah maamulaha dugsi ay wax ku bartaan caruurta Soomaalida, dhinaca kalena ka mid ah xubnaha ugu firfircoon jaaliyada ayaa ka warbixiyay saamaynta uu ku yeeshay cudurka saf-marka ah ee Covid19 howlihii jaaliyadu u haysay Soomaalida.

Cusmaan Abuukar, ayaa sheegay in aysan waxba iska beddelin howlihii ay guddigoodu u hayeen jaaliyada, ayna wax la qabaan goobaha kale ee waxbarasho oo dalkan, isaga oo tilmaamay in adeegyada ay bulshadooda u hayaan oo ay ugu horreeyso dugsiga maalinta Axadda ah laga caawiyo ardayda dhigata iskuulaadka, in  howlihiisa ay si caadi ah u socdaan.

“Waxaan ku dedaalnay innaga oo ilaalinaya shuruucda laga soo saaro bad-qabka caafimaadka bulshada xilligan lala tacaalayo xakameynta Covid19, haddana in ubadka Soomaaliyeed la caawiyo, maadaama waxbarashada iskuuladu ay socdaan, caruurta ay waxbarashada ku adag tahay haddii aan la caawin waxa ay ka harayaan khayrkooda” Ayuu yiri Cusmaan Abuukar, wuxuu intaasi ku daray in ay fursad u siinayaan qof kasta ee Soomaali ah ee fursad u heli kara inuu qof kale oo Soomaaliyeed caawiyo in ay soo dhoweynayaan.

“Dusgiga waxaa lagu aasaasay Soomaali keliya, muddo dhowr iyo 10 sanno ka hor ah, baahida loo aasaasay waxay ahayd markii ay bateen caruurta Soomaalida ah ee u baahan in laga caawiyo casharada iskuulka, barnaamijkaas dhowr iyo 10 sanno ayaa wadnay wuxuuna noqday mid guulaystay, waxaa  nagu soo biiray caruur u dhashay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Suuriya & Marooko” Ayuu yiri Cusmaan Abuukar, isaga oo u mahadceliyey cid kasta oo waqti gelisa siduu uu mira-dhal u noqon lahaa barnaamijka dugsiga ee lagu caawinayo caruurta Soomaalida.

“Caruurta Soomaaliyeed waxaan barnaa afkooda hooyo, dhaqankooda iyo diintooda, annagu horay ayaan u soconaa, kuma mashquulno kuwa doonaya in ay magac iyo dhaqaale ku raadiyaan dadkooda” Ayuu yiri Cusmaan Abuukar wuxuuna intaasi raaciyay in ay jiraan gabdho dhalinyaro ah oo Jaamacado dhigta oo maalinta Axadda oo ay nasan lahaayeen waqtigooda geliya in ay saacidaan caruurta Soomaalida.

Guddoomiyaha guddiga jaaliyadda Axmed Hayaan, ayaa dhinaciisa sheegay in ay la socdaan xaaladda mushtamaca Soomaalida ah ee dagan Zwolle iyo nawaaxigeeda, ayna horay u caawiyeen, haddana diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

“Habkii nolosha oo idil ayuu wax ka beddelay Covid19, shartiisa ALLAHA na mootiye, saameyntiisu meel walba ayeey taabatay qofkii iskuul dhiganayey, qofkii shaqaynayay, si aan mushtamacyada aan la noolnahay aan uga muuqano waxaa waajib ah inaan shuruucda lagu xakamaynayo cudurka aan ilaalino, qof kasta oo Soomaali ahna uu isu arko inuu huwan yahay sharafta & magaca dadkiisa” Ayuu yiri Axmed Hayaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in shuruucdu ay mar waliba is bedesho.

“Dowladdu, iyada oo indhaha ku haysa kobaca ama hoos u dhaca cudurka, waxaa mar walba soo baxa shuruuc hor leh, guddigeenu wuxuu isu xilsaaray intii karaankiisa ah inuu caawiyo dadka Soomaalida ah, gaar ahaan hooyooyinka & dadka nugul” Ayuu yiri Axmed Hayaan.

Guddoomiyaha guddiga jaaliyadda Axmed Hayaan, mar uu ka hadlayay xiriirka kala dhexeeya guddigooda Gemeentiga, wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu yahay mid wanaagsan ayna dib boorka uga jafeen xiriirkaasi markii guddoomiyihii hore ee jaaliyada uu dhaawac wayn u gaystay xiriirkii gemeentiga & jaaliyada, isaga oo dantiisa gaarka ah u isticmaalay mas’uuliyadii loo igmaday.

“Gemeentigu, arrimaha Soomaalida guddigeena ayuu kala hadlaa, waxaa ayaan darro ahayd in madaxdii hore ee Guddiga in ay ku ciyaareen sumcadii Soomaalida, una dhaqmay sida dad ka fara-xashay maslaxadii dadkooda, waxaan meel eber ah ka billownay inaan dib u soo celino kalsoonidii ay Soomaalida ku qabeen Gemeentiga,” Ayuu yiri Axmed Hayaan, oo ah aqoonyahan muddadii uu xilka hayay isbeddel iyo horumar ballaaran u horseeday jaaliyada.

“Annagu, magac iyo mansab ku dooni mayno inaan dadkeena u qidmayno, waxaan ku guulaysanay Soomaalida inaan mideyno,” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaalida ay midnimadu u soo hoynayso magac, halka tafaraaruqa & kala qaybsanaantu ay dhaawacayso sidii bulshadoodu wax ula qabsan lahayd mushtamacyada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -