Ra’isul Wasaarihii hore ee Dalka oo Dowladda ku dhaliilay in ay ka aamustay Muddo kororsiga Axmed Madoobe

Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhawwaan sameeyay muddo kororsi hal sanno ah ay ugu dareen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna taasi abuurtay dareen ah in maamulada kale iyaguna sameestaan muddo kororsi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in muddo kororsi loo sameeyay hoggaamiyaha Jubbaland ay tahay khatar, waxa uuna xusay in tallaabadaasi horseedi karto in maamulada kale iyaguna sameestaan .

Cumar Cabdirashiid ayaa layaab ku tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo  Xasan Sheekh ka aamusto muddo kororsiga Jubbaland, waxa uuna xusay in dowlad ku qasbanaan doonto in ay ka aamusto maamulada kale haddii iyaguna muddada kororsadaan.

”Dowladda waa ay ka aamustay muddo korsiga Jubbaland sameesatay, waa mid khatar ah muddo korsisigaasi in dowladda ka aamusto ,berri dowladda sidee uga hadli doontaa haddii maamulada kale iyaguna muddo kororsi sameestaan ” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna wada qorshe ay ku sameesanayaan muddo kororsi lamid ah midda uu sameestay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -