Burcad Xoolo Nool xaday oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa deegaanka Garasbaaley ee Degmada Dayniile waxa ay kusoo qabteen sadex nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad kuwaa oo xaday xoolo nool oo isugu jiray Ari iyo Dameero.

Burcadan Ciidamada booliiska soo bandhigeen oo ahaa sadax nin ayaa lala soo qabtay Ari iyo Dameero ay xadeen, waxaana burcadan loo gudbiyay xarunta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Xoolaha Burcadan soo xadeen oo la sheegay in ay gaarayaan 19-neef oo ari ah iyo labo dameer ayaa lagu hayaa xarunta Deegaanka Garasbaaley , waxaana lagu war galiyay dadka xoolahaasi ka maqan yihiin in ay soo doonaan karaan.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaa kusoo badanayay kooxaha burcada ah ee xada xoolaha nool gaar ahaan ariga, waxa ayna burcada xoolaha ay xadaan u iib geeyaan Suuqayada halka kuwa kalana inta la gowraco hilbahooda lasii iibiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -