FBI-da Mareykanka oo ku daba jirta Dokumentiyo sir ah oo uu ka qariyey Trump

Sida ay sheegeen saraakiisha waaxda cadaaladda Mareykanka Madaxwaynihii hore Donald Trump, ayaa lagu tuhmay inuu qariyey dukumentiyo, intii lagu jiray baaritaan ay hey’adda FBI-da ku sameysay dhismo uu leeyahay bishii June ee lasoo dhaafay

Dacwad ay u gudbisay maxkamad, ayay waaxdu waxay ku sheegtay in laga yaabo in la sameeyey xog xasaasi ah, si loo fashiliyo baaritaanka “.

Gudbinta dacwadda, ayaa jawaab u ah dacwad uu kal hore geeyey maxkamad Trump, ee dalbashada qareen dhexdhexaad ah oo loo yaqaan si uu dusha sare ugala socdo qayb ka mid ah kiisaska haatan socda.

Madaxa waaxda cadaaladda ee sirdoonka, Jay Bratt, wuxuu ku caddeeyey in ilaa iyo haatan ay sameysay waaxdu isku dayo, taasoo ah in lasoo saarey dukumentiyada madaxweynihii hore.

Baaritaanada ayaa u gogol xaarey in kooxda Kaydka Qaranka, ay tagaan guriga Trump ee Mar-a-Lago bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, sidoo kale FBI-da ayaa baaray guriga 8-dii bishan Ogosto.

FBI-da ayaa ku daba jirta in Trump uu si khaldan u maamulay diiwaanka xafiiska, isagoo ka qaatay Aqalka Cad geeyayna gurigiisa Mar-a-Lago xog, ka dib markii uu xafiiska ka tagay.

Trump ayaa iska fogeeyey inuu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna sheegay in xogta uu hayo ay tahay mid aan sir ahayn.

Markay faarujiyaan xafiiska, madaxweynayaasha Maraykanku waa inay ku wareejiyaan dhammaan dukumeentiyadooda iyo Emailkooda kaydka Qaranka.

 

- Advertisement -