Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xubnihii ugu badnaa ee ka soo goostay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay.. (Sawirro)

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ku soo bandhigey 11 xubnood oo ka mid ahaa Alshabab.

Xubnahan soo goostay ayaa Al shabaab u qaabilsanaa  Jabhadaha  xisbada  iyagoo ka soo howlgaley Gobolada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Mudug iyo Hiiraan.

Waxaya sheegeen in sababata ku kaliftey inay Al-shabaab ka soo baxaan ay tahay Dhibaatada iyo go’odoonka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay nabad sugida Koonfur galbeed.

Dhanka kale Waxay ugu baaqeen Saaxiibadooda kale ee ku jira Alshabaab in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Nabad sugida  waxayna sheegeen in si fiican loo soo dhoweeyey.

Saraakiisha Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahan soo goostay ay u sameyn doonaan dhaqan celin.

Related posts

Guddiga Qaran ee Tacliinta oo Ruqsad siiyay Jaamacadaha Green Hope iyo Nile

Cabdi Cade

Tirada Shacabka Falastiin ee ku dhimanaya Duqeymaha Israel oo sii korortay

Cabdi Cade

Xildhibaanadii laga mamnuucay kulamada Golaha shacabka oo laga celiyay Isgoosyada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---