Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamadda Sar ee Kenya oo diiday codsi uu usoo gudbiyay William Ruto iyo Walaac lasoo darsay

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa la filayaa in ay go’aan kasoo saarto dacwad uu u gudbiyay musharax Madaxweyne Raila Odinga , oo dhawwaan guddiga doorashada dalka Kenya qaarkood shaaciyeen in looga guuleestay doorashadii madaxweynaha ee dhacday.

Madaxweynaha la doortay ee  Kenya Wlliam Ruto ayaa dhankiisa maxkamadda sare ee Kenya u gudbiyey codsi ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda doorashada madaxweynaha ee maxkamadda loo gudbiyay.

Codsiga madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa waxaa soo diiday maxkamada sare ee Kenya, waxa uuna go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare dhabar jab siyaasadeed ku yahay William Ruto oo ka cabsi qaba in doorashadii uu ku guuleestay la kansalo.

Xubnaha guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ka kooban todobo xubnood, waxaana xubnahaasi afar kamid ah siyaasad ahaan taageersan yihiin  Raila Odinga iyo madaxweynaha xilka ka degaya, waxa ayna xubnahan horey u diideen natiijadii doorashada ee lagu dhawaaqay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaana si rasmi ah u bilowday kiiska dacwada doorashada madaxweynaha ee ka dhacday Kenya, waxaana kiskan ka qeyb qaadanaya in ka badan 100-qareen oo kala matalaya labada xisbi ee doorashada isku haya.

Madaxwenaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto ayaa ka walaacsan in maxkamadda sare ee dalka Kenya laasho natiijada doorashadii dhacday kuna baaqdo in mar kale la abto wareeg kale ay ku tartamayaan William Ruto iyo Rala Odinga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Sabriye oo mar kale ka biyo diiday Qorshe uu watay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Axmed Fiqi oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen R/W Kheyre iyo Qodob ay ku heshiiyeen

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay Sababta keentay Dib u dhaca Aaska Marxuum Eng Yariisow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---