Guddoomiye kuxigeen Degmo oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa xalay qarax ka dhacay xaafada Buula Maaxay ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, lagu dilay guddoomiye kuxigeenka arrimaha siyaasada ee degmada Yaqshiid Macallin Xuseen (filla-wayne).

Sida aan wararka ku helnay qarax gaarigiga loogu soo xiray ayaa xalay xilli dambe lagu dilay Macallin Xuseen (filla-wayne) ,xilli uu kusii jeeday xaafadiisa oo kutaalla Buula Maaxay oo katirsan degmada Kaaraan.

Qaraxa lagu dilay masuulkan ayaa wararku sheegayaan in sidoo kale ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray oo meydka iyo dhaawaca ka qaaday ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka degmada Yaqshiid ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida ku timid guddoomiye kuxigeenkii siyaasadda ee degmada Yaqshiid Macalin Xuseen, waxa ayna maamulka xuseen in la baarayo sida uu qaraxu u dhacay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa wada baaritaano ku aadan qaraxan gaariga loogu soo xiray laguna dilay guddoomniye kuxigeenkii siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mana jiro wax war ah oo booliiska kasoo saaray qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -