Allbanaadir.com
DIINTA

Dowlad degaanka Soomaalida oo War ka soo saartay dagaalka mar kale ka qarxay Itoobiya

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si kulul u cambaaraysay dagaalka soo cusboonaaday ee uu dhiiga badan ku daatay kaasoo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa intaa ku daray in dagaalkan ka soo cusbonaaday gobolada Axmaarada iyo Canfarta uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale War-saxaafadeedka beesha caalamka kaga codsaday inay inay cadaadis ku saaraan TPLF inay joojiso dagaalka ayna ogolaadaan nabadda ay u fidisay dowladda Itoobiya.

Dagaal ayaa dib uga qarxay waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa bilowday todobaadkii hore iyadoo ciidamada Tigray ay qabsadeen magaalada Kobo ka dib markii ay ciidammada dowladda ka baxeen.

Related posts

Rikoor cusub oo loo dhigay duulimaadka ugu dheer dunida ee aan hakadka lahayn

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo wax yar ka dib shir jaraa’id ku qabanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in farxadda ciida la deeqsiiyo dadka danyarta ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---