Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey degmooyin cusub (Sawirro)

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahay, waxaana shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal oo ay wehliso Gudoomiyaha Ku xigeenka labaad Faadumo Cabdi Cali.

Kulankii Maanta ee Baarlamaanka ayuu ku meel mariyay Degmeynta Degmooyinka Wisil iyo Baxdo in ay ka mid noqdaan Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, kadib markii ay kal hore soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Kulanka Baarlamaaanka oo ay soo xaadireen 52 mudane ayey si aqlabiyad leh u ansixiyeen Degmeynta Wisl iyo Baxdo.

Gudoomiyaasha Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay Ansixinta Degmeynta Baxdo iyo Wisil.

Related posts

Xuutiyiinta oo soo riday dayuurad uu Mareykanku leeyahay

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo xiray nin hab dhaqankiisa la fahmi waayay

Cabdi Cade

DF oo la wareegtay warbaahino ay laheyd Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---