Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan oo taageertay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka banaadir

Xaflad si heersare ah loosoo agaasimey oo ka dhacday Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa xalay lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda Afrika midaas oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen boqolaal arday ah iyo Jaaliyadda isugu jira ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay meeshaas Xildhibaan Yusuf Jimcaale Xayle, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin, Hooyooyin, dhalinyo iyo aqoonyahan, iyagoo dhamaan u rajeeyay gudoomiyaha cusub in Illaah xilkaas ku asturo.

Xildhibaan Yuusuf Jimcaale Xayle oo haalkaas kalimad ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in munaasabadaan taageerada loogu muujinayo Gudoomiyaha gobolka uu ka qeyb galo isagoo ku amaanay in Yariisow yahay siyaasi waxqabad leh oo horumarka dalka ka shaqeeya.

Fiidow Maxamuud Fiidow Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo isagana munaasabadda qubdab ka jeediyay ayaa sheegay in uu yahay gudoomiyaha cusub qof hadal yar oo waxqabad badan ahna qunyar socod siyaasadeed oo aysan dhicin wali in xil looga qaaday is qilaaf isaga iyo madaxdii ka saraysay ah.

Cabaas Maxamed Nuur oo isagana ku hadlayay magaca dhalin yarada ayaa sheegay in gudoomiyaha soo dhaweynayaan iyagoo ku qanacsan waxqabadkii hore ee horay loogu soo arkay gudoomiyaha iyo xilalkii uu horay usoo qabtay.

Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu oo ah xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa isagana sheegay in uu yahay Eng Yariisow qof laba jeer Suudaan xaflad loogu qabtay oo horay isaga oo wasiir warfaafin loo magacaabay munaasabad taageero ah loogu qabtay hadana tahay munaasabadan lagu taageerayo magacaabistiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow oo qadka Telefoonka kaga qeyb qaatay ayaa uga mahadnaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo dadka isku howlay qabanqaabada munaasabadan taageerada ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale la wadaagay dadkii xafladda kasoo qeyb galay qorshaha waxqabadkiisa howleed ee soo socda iyo  meelaha xooga saari doono, waxa uuna ka codsaday kasoo dadkii xafladda ku sugnaa in ugu soo duceeyaan in xilka illaah kula garab galo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -