(Sawirro) Xildhibaan ka tirsan Senateka Mareykanka oo booqday Taiwan & Shiinaha oo..

Xildhibaan Maraykan ah oo ka tirsan golaha senate-ka ee qaabilsan ganacsiga iyo adeega hubka ayaa booqasho ku tagay dalka Taiwan, isaga oo ka dhego adaygay cadaadis kaga yimi Beijing

Senetor Marsha Blackburn ayaa soo caga dhigatay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan iyadoo saaran diyaarad ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, sida uu muujinayo muuqaal telefishin ah oo laga soo duubay garoonka diyaaradaha ee magaalada hoose ee Songshan. Waxaa laamiga madaarka ku qaabilay Douglas Hsu, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan.

“Taiwan waa lammaaneheena ugu xooggan gobolka Indo-Pacific. Booqashooyinka heerka sare ee joogtada ah ee Taipei waa siyaasadda Mareykanka ee muddada dheer soo jirtay,” Blackburn ayaa ku tiri hadal ay soo saartay. “Ma igu qasbi doono nidaamka shuuciga Shiinaha inaan dhabarka u jeedino Taiwan.” ayey intaas ku dartay

Shiinaha, oo ku andacoonaya in Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dalkeeda, ayaa dhoolatus milateri ka bilowday jasiiradda dhiowaan ka dib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay booqatay horraantii Ogosto.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay in Blackburn ay la kulmi doonto madaxweyne Tsai Ing-wen safarkeeda oo ku eg Sabtida.

“Labada dhinac waxay si weyn isku weydaarsan doonaan arragtiyo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin Taiwan iyo Mareykanka oo dhanka amniga iyo dhaqaalaha iyo ganacsiga ah,” ayay wasaaraddu ku dartay hadal kooban oo ay soo saartay.

Mareykanka wax xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan balse waxa uu sharcigu dhigayaa in uu jasiiradda siiyo hab ay isku difaacdo.

Shiinuhu marna meesha kama saarin in uu awood u adeegsado in uu Taiwan hoos keeno.

- Advertisement -