Booliiska Pakistan oo Dacwad kusoo oogay Imran Khan iyo Taageerayaashiisa oo hanjabay

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan ayaa lagu soo oogay dacwad loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagixisada, waxaana dacwadan kusoo oogay taliska ciidanka booliiska ee Pakistan.

Dacwadan lagu soo oogay Imran Khan ayaa timid, kaddib markii ciidamada booliiska iyo garsoorka dalka Pakistan uu ku eedeeyay in ay xireen si xuna u jirdileen nin saaxiib dhaw la ahaa Imran Khan kana tirsanaa xisbigiisa.

Ra’isul Wasaare hore Imran Khan ayaa shalay ku eedeeyay taliyaha ciidamada booliiska ee Islamabaad iyo haweeney katirsan garsoorka Pakistan in si xun ula dhaqmeen siyaasi saaxiibo yihiin si xuna u jirdileen.

Taageerayaasha Imran Khan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee guriga Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan, waxa ayna ku hanjabeen in ay xoog kula wareegi doonaan magaalada Islamabad haddii la xiro Imran Khan .

Imran Khan ayaa si weyn u dhaleeceeya dowladda heysa talada Pakistan tan iyo markii baarlamaanka xilka ka tuureen, waxaana taageerayaashiisa dhigeen dibad baxyo waa weyn oo dowladda looga soo horjeeday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -