Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix Nin oo ay Dambiyo ku eedeeyeen (Magcayada)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa degaanka Kuunyo-Baroow  ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku toogtay lix nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin  la shaqeenayay sirdoonka dowladda Mareykanka.

Maxkamadda Al Shabaab ayaana ragan ku eedeesay in ay basaasiin u ahaayeen sirdoonka dowladda Mareykanka ayna ka qeyb qaateen weeraro lagu dilay saraakiil iyo xubno kale oo katirsanaa ururka Al Shabaab.

Fagaaraha ragan xukunka dilka ah kula fulinayeen Al Shabaab, waxaa isugu tagay dadweyne badan, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa dagaalyahano iyo saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab.

Magacyada raga xukunka dilka ah lagu fuliyay iyo dambiyada lagu eedeeyay

1: Aweys Aadan Xassan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab.

2: Cabdulqaadir Ibraahim Xuseen (Boqol)  ayaa kooxda Al-Shabaab sheeeen in uu ka qeyb qaatay ilaa lix duqeyn, isla markaana uu la Shaqeeynayay Sirdoonka dowladda Mareykanka.

3: Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo loo heystay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay hagida laba duqeyn oo ka dhacday duleedka degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4: Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale uu xogtooda gudbiyay kuwo kale.

5: Maxamad Sheekhey Barrow ayaa sidoo kale Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

6:  Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka  dowladda Mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay saddex duqeyn oo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan xukuno dil ah ugu fuliyay rag iyo haween lagu eedeeyay in ay la shaqeenayeen sirdoonka dowlado shisheeye iyo kan Soomaaliya ,waxaana dadkan la toogtay xukunka ku riday maxkamadaha Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -