Fal dil ah oo oo ka dhacay Suuq ku yaalla Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nin ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa ku dilay nin darawal ka ahaa gaari BL ah Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa yimid ka dib markii darawalka la dilay uu ka madax adeygay inuu askariga siiyo lacag baad ah oo uu weydiistay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka ku labisnaa dharka Ciidamada uu weydiistay darawalka shan kun oo shilin Soomaali ah,balse u diiday, taasoo keentay in la dilo darawalka.

Ninkii xirnaa dharka Ciidanka ee falka dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtaas, waxaana baadi goobaya ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Kaaraan.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka BL-ka ah ee ka howlgala degmada Kaaraan ayaa dilkaas ka dib goobta ka dhigay banaanbax cabasho ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -