Sacuudiga oo sameenaya arrin ay si weyn ugu farxin doonaan dowladda iyo Pakistan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dalka Pakistan siiso kaalmo dhaqaale aad u badan, taas oo wax badan ka tari doonto hoos u dhaca dhaqaale ee ka jira dalkaasi .

Warbaahino caalami ah ayaa tabineysa in Boqortooyada Sacuudiga siineyso dalka Pakistan maalmaha soo socda lacag gaareysa 3-Bilyan oo Dollar, waxaana lacagtan loogu tala galay in Pakistan wax uga qabato dhaqaalaha dalkeeda ee sii xumaanaya.

Sida ay qorayaan warbaahinta qaar lacagtan Balaayiinka dollar ah ayaa Sacuudiga qasnada Pakistan ku shubayaa isbuucyada soo socda, waxaana lacagtan ka farxin doonta dowladda iyo shacabka dalkaasi oo saameyn ku yeeshay hoos u dhaca dhaqaale.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale la sheegay in wax soosaarka saliida oo qiima ahaan ku kacayo 100 malyan oo doolar 10-ka bilood ee soo socda iney bil walba dowladda Pakistan ku kaalmeeyneyso.

Xiriirka labada dal ee Pakistan iyo Sacuudiga ka dhaxeeya ayaa la tilmaamaa in uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaana labada dalba iska taageeraan dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah.

Dalka Pakistan ayaa Sacuudi Carabiya ka caawisaa taageera hagar la’aaneed oo dhanka hubka, tababarrada oo ay siiso ciidamada kala duwan ee dalkaasi iyo sidoo kale  duuliyeyaasha Sacuudi Carabiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -