Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeesan oo caawa Dil ka geestay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa caawa Maqribkii Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta qudaarta lagu iibiyo waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oon wali la ogeyn waxa uu ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag hubeesan dileen wiilka dhalinyarada ah kadibna goobta ka baxsadeen , waxaana dilka kadib goobtaasi soo gaaray ciidamo katirsan dowlada oo goobta ka qaaday wiilka la dilay.

Dilkan loo geestay wiilkan dhalinyarada ah oo dadka qaarkood sheegeen in uu ahaa caseeye ayaan la ogeyn waxa uu salka ku hayo iyo waxa ay yihiin dableydii dilkaasi ka dambesay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca dilalka loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale ciidanka iyo dadka kale ee u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalka qorsheesan ka fuliya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

Cabdi Cade

Qiimaha shidaalka ee Kenya oo cirka isku shareerey kadib khudbaddii Ruto

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Maxkamad saakay Go’aan ka gaartay Dacwadii u dhaxeysay Aadan Barre iyo Faarax Macalin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---