(Sawirro) Abiy Ahmed oo booqday xarunta cusub ee Madaxtooyada degaanka Soomaalida

Raisal Wasaaraha Itoobiya oo ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta degaanka soomaalida ayaa booqday xafiiska Madaxweynaha degaanka oo dib loo dhisay iyo beerta lagu dhaqo geela ee Dhagaxle.

Raisal wasaaraha ayaa xukuumadda Deegaanka Soomaalida ku amaanay horumarka ballaadhan ee muddo kooban ku hirgalay.

Abiy Axmed ayaa sheegay in Deegaanka Soomaalida oo ay sanadkani ka dhacday abaar daran haddana laga helayo wax-soo-saar dhan 8 milyan oo kintaal. Tanina ay wax badan ka tarayso in lagu gargaaro goobaha dhibaatooyinku ka jiraan, iyadoo aan dibadda laga soo dajin raashin.

“Wakhtigan xagaaga waxaan beeraha qamadida ka fulin doonaa dhul aan ka yarayn 3 milyan oo hektaar, taasina waxay ka dhigan tahay inaan helno waxsoosaar gaadhaya ilaa boqol milyan oo kintaal. Waana arrin aad u muhiim ah in aan kor u qaadno wax-soo-saarkeena”, Dr Abiyi Axmed.

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay dhanka beeraha lasoo saari jiray ugu badnaan ilaa toban milyan oo kintaal oo midhaha wax-soo-saarka kala duwan ah, hase ahaatee sanadkan ay xukuumaddu qorshe u qaadatay in waxs oosaarkaasi la gaarsiiyo ilaa 28 milyan oo kintaal

- Advertisement -