Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faahfaahin: Toogasho lagu weeraray dad Yuhuud ah oo ka dhacday Qudus (Sawirro)

Sida laga soo xigtay saraakiisha Israa’iil Toddobo qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay dabley hubeysan ka geysteen degaanno kala duwan magaalada Qudus.

Dableyda ayaa rasaas ku furtay bas iyo goob baabuurta la dhigto oo ku taalla meel u dhaw deegaanka taariikhiga ah ee (Xaa’idul Buraq) abbaare 01:24 wakhtiga Israa’iil.

Booliska Israa’iil ayaa ku raad joogaa raggii hubeysnaa ee weerarka geystay kuwaasoo la rumeysan yahay inay goobta ka baxsadeen.

Sarkaal u hadlay booliska Israa’iil oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa dhacdada ku tilmaamay weerar argagixiso oo ay geysteen kooxo falastiiniyiin ah

Waaxda adeegga gurmadka deg deg ah ee Magen ayaa sheegtay iney qaabileen lix qof oo rag ah iyo haweeney ku dhaawacantay weerarka kuwaasoo loo qaaday  goobaha caafimaadka.

Tirada dableydii weerarka fulisay lama oga inkastoo warbaahinta Hebrew ay ku warrantay in booliska ay ku raad joogaan labo qof oo looga shakisan yahay inay toogashada fuliyeen.

Related posts

Kenya oo ka carootay talaabo ay qaaday dowlada Somalia & Booliska DF oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay Guulo ay gaareen ciidanka milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho iyo dadka ku dhintay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---