Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo guddoomiyey kulan xasaasi ah oo lagu qabtay Jowhar (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabadgalyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Dardargalinta qaab dhismeedka  Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.

Related posts

Shabakad abaabulan iyo ninkii madaxda u ahaa oo loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Donald Trump oo ka laabtay Ninkii uu u xushay Agaasimaha Sirdoonka iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Trump oo ka carooday cod mar kale si qarsoodi looga duubay oo la baahiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---