(Sawirro) Mareykanka oo wafdi u diray Somaliland iyo Muuse Biixi oo qaabilay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi ballaaran oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akedamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimuqraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo. Waxa kale oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda  iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo  kala duwanna ay qaar ka midi  dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka.

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimoqraaddiyada iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro.

Waxaa ka taagan Somaliland is mari waa la xiriira dhanka doorashada madaxtinimada.

Maalmo kahor, ayey aheyd markii ay isku dhaceen ciidanka booliiska, iyo taageerayaasha ururada mucaaradka, taasoo ay ka dhalatey dhaawac iyo dhimasho.

- Advertisement -