Aadan Madoobe oo la kulmay Xildhibanadii ku buuqay kulankii Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Mohamed Nur Madobe ayaa la kulmay xildhibaanadii Fowdada ka sameeyay kulankii baarlamanka ee lagu ansixiyey Xukuumadda.

Xildhibaanada ayaa raali galin ka siiyey ummadda Soomaaliyeed iyo Guddoonka Golaha Shacabka falkii ay ka sameeyeen kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee ansixintii xukuumadda.

Waxay sheegeen iney aad uga xun yihiin wixii dhacay, aysana ujeedadoodu aheyn iney fowdo abuuraan balse ay aheyd in la dhegeysto fekerkooda, waxayna balan qaadeen iney u hogaansami doonaan hadda ka dib shuruucda iyo xeer hoosaadka baarlamanka,

Waxaa kulankaas goob joog ka ahaa guddigii  loo magacaabay ka soo tala bixinta dhacdadii 07/08/2022, ka dhacday Xarunta Baalamaanka JFS oo kulankaas soo agaasimay.

 

- Advertisement -