Musharax Madaxweyne oo Diyaarad la dhacday oo soo diray Codsi iyo Jawaab laga bixiyay

Musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka Panama ayaa galay shil diyaaradeed, waxaana musharaxan muuqaal uu soo duubay dadka iyo dowladda Panama uga codsaday in si degdeg ah ugu soo gurmadaan.

Dimitri Flores, oo ah musharax madax banaan oo u taagan xilka Madaxweynaha Panama ayaa isaga iyo dad la socday la dhacday diyaarad helicopter ah ay la socdeen, waxa ayna diyaarada ku dhacday dhul keymo ah oo buuro dhaxdooda kuyaal.

Muuqaal uu soo duubay musharaxa soona dhigay bartiisa bulshada ayuu ku sheegay in ay la dhacday diyaaradii uu saarnaa,waxa uuna xusay in shilka ku dhaawacmeen qaar kamid ah dadkii la socday una baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Diyaaraddii helicopter-ka ahayd way burburtay, ilaah baa mahad leh, waan nool nahay, isku daya inaad gurmad ii soo dirtaan, halkan waxaa ku sugan dad ka jabay lugaha, gacmaha, waaw.” ayuu ku yiri muuqaalka uu musharaxan kasoo diray goobta uu shilku ku galay.

Musharaxa ayaa garan waayay goobta ay shilka ku galeen, hasa ahaatee waxaa codsigiisa si degdeg ah uga jawaabay una gurmaday ciidamada gurmadka degdega ee Panama oo soo qaaday musharaxa iyo dadkii la socday ee waxyaalada soo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -