Qadkii Internetka ee K/Somalia oo shan saacadood ka dib hawada ku soo laabtay

Waxaa goor dhow oo galabnimadii ah dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka oo muddo saacado ah maanta ka maqnaa gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemay maqnaanshaha Adeega Internet-ka oo hawada laga waayey qiyaastii shan saacadood oo xiriir ah.

Internetka oo intiisa badan ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta Somtel, Hormuud iyo Somnet ayaa mar kaliya go’ay maanta barqadii abaarihii 11:30 daqiiqo, isagoo hawada ku soo laabtay galabta qiyaastii 4:00 galabnimo.

Mudada saacadaha ah ee uu go’naa qadka internetka ayaa waxaa uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Shirkadaha, Xafiisyada dowlada, Xawaaladaha, iyo meelo kale, waxaana meesha ka baxay xiriirkii shacabka ee baraha bulshada, waxayna dadku iska wacayeen telefanada caadiga ah iyagoo isweydiinayey waxa ku dhacay internetka iyo cilada jirta.

Shirkadaha bixiya adeega Internetka ayaan ka hadlin cilada sababtay qadku uu saacado badan maqnaado, hase ahaatee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah mida ugu weyn ee bixisa addeega internetka Koonfurta Somalia ayaa macaamiisheeda u dirtay fariimo ay kaga raali gelineyso mudada uu ka go’naa qadka internetka oo ay sheegtay iney ka dhalatay cilad, haatana la xaliyey.

Dhacdadan ayaa shacabka Muqdisho soo xusuusisay markii sidan oo kale Qadka internetku uu go’ay bartamihii sanadkii 2017-dii ka dib markii markab ganacsi oo ku sugnaa xeebta Muqdisho uu jaray keybalkii qadka internetka Fiber optica siin jiray koonfurta Somalia taasoo in la dayactiro ay qaadatay muddo 23 cisho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -