Taiwan: Dhoolatuska Shiinaha wuxuu ka dhigan yahay duulaan nalagu soo qaaday

Wasaaradda difaaca ee Taiwan, ayaa sheegtay in maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinuhu ay hawlgalo ka fuliyeen marin biyoodka Taiwan Sabtidii, iyadoo qaarkood ay ka gudbeen Khadka Dhexe ee labadda dhinac u dhaxeeya.

Diyaaradaha dagaalka ee Taiwan, ayaa dhowr jeer u digay kuwa Shiinaha, ee kasoo tallaabay hawada Taiwan.

Ciidamada Taiwan ayaa intaa ku darey in dhoolatuskaasi uu ahaa mid u dhigma weerar lagu soo qaaday jaziiradda.

Maamulka Beijing kama aysan hadlin dhoolatusyadii ugu dambeeyey, balse waxaa la filayaa inay sii wadaan dhoolatuska military, ee hawada iyo badda ee Taiwan illaa maanta oo Axad ah..

 

- Advertisement -