Soomaali lagu dilay Magaalada Johannesburg & faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay maanta dukaankiisa oo ku yaalla Xaafada Mayfair oo ka tirsan magalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika.

Allah u naxariistee muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdinaafac Macalin Ibraahim.

Waxaa lagu dhax dilay dukaankiisa oo ku yaalla dhabarka dambe ee dhismaha Park Avenue Stationers ee bartamaha xaafada ay soomaalida ka degantahay ee Johannesburg.

Burcad dhac u geysanayay dukaanka ayaa la sheegay inay dilka u geysteen muwaadinka iyagoo u adeegsaday tooreey kadibna waxaa la sheegay inay baxsadeen

Ciidamada booliska ayaa goobta soo gaaray waxayna baarayaan dhibka dhacay, inta badana gacanta laguma dhigo kooxaha burcada ah ee dilka iyo dhaca u geysta Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku nool dalkaas.

- Advertisement -