Faahfaahin: Khasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday xaafado ku dhow Villa Somalia

Madaafiic hoobiyyeyaal ayaa maanta waxay ku soo dhaceen xaafada Xararyaale oo ka tirsan Degmada Warta-nabada Magaalada Muqdisho  kuwaasoo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Laba  ka mida madaafiicda ayaa la sheegayaa inuu ku dhaceen isgoyska Xararyaale, gaar ahaan isbitaalka Aljazeera  qeybtiisa gargaarka degdega oo la tilmaamay in mid ka mid ah labada madfac uu ku habsaday.

Sida uu ii sheegay qof deegaankaasi ah Haweeneey ayaa ku dhimatay madfac gurigeeda ku ag dhacay halka dad kalana dhaawacyo soo gaareen.

Madaafiicdan ayaa loo badinayaa in loo waday xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ku taalla meel aan ka fogeyn halkaas, iyadoo maanta ay Villa Hargeysa oo ku dhex taalla xarunta Madaxtooyada uu ka socday fadhiga golaha shacabka ee kalsooni siinta xukuumada.

Gudomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Xaabsey ayaa hadashay madaafiicda ku soo dhacday degmadaas.

“Waxaan xanuunka la qayb sanayaa bulshada reer Warta Nabadda gaar ahaan intii  ay waxyeeladu  ka soo gaareen Hoobiyayaal ku soo dhacay qaybo ka mid ah Degmada barqanimadii Maanta. Waxaan si gaara ah ugu tacsiyeenayaa Hooyo faadumo maxamuud mataan oo ku geeriyootay duqeyntaas iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay” ayey tiri Guddoomiye Seynab Xaabsey.

- Advertisement -