(Sawirro) Dayurad Milateri oo Madaxweyne Laftagareen ka qaaday Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa dayuurad Milateri oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ka raacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Laftagareen ayay wararku sheegayaan in loo qaaday gudaha dalka Itoobiya oo uu kula soo kulmayo madax iyo saraakiil Itoobiyaan ah, lamana oga ujeedada safarkan.

Talaabadan ayaa soo beegantay xili dowlada Somalia ay golaha Wasiirada ku soo dartay Mukhtaar Roobow oo horey uga tirsanaa Al-shabaab, ciidamada Itoobiyana ay ka soo xireen sanado ka hor Baydhabo ka dib amar ay bixisay dowladii Farmaajo.

Laftagareen ayaa u arka magacaabista Mukhtaar Roobow halis siyaasadeed oo soo wajahday maamulkiisa.

Itoobiya ayaa u muuqata tan iyo markii la doortay Xassan Shiikh iney dib u bilowday fara gelinta arrimaha Somalia iyo la macaamilka madaxda dowlad goboleedyada oo ay joojisay xiligii dowladii Farmaajo, waxaana Laftagareen ka hor booqday Addis ababa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo la kulmay madaxda Itoobiya.

- Advertisement -