Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) God mucjiso ah oo lagu arkay woqooyiga dalka Chile iyo baaritaan bilowday

Dowlada Chile ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samaynayaan god aad u wayn oo hoos u qodan oo aan la garanayn waxa uu yahay.

Godkan ayaa ku yaallaa meel u dhow goob macdanta laga qodo oo ku taalla dhinaca waqooyi ee waddankaas.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in godkan uu hoos u qodan yahay 200 oo mitir, halka balaciisuna yahay 25 mitir oo isku wareeg ah.

Muuqaal ay duubtay diyaarad ay kaamiro ku xiran tahay oo nooca uusan duuliye saarnayn ah ayaa muujiyay godkaas oo lagu arkay agagaarka dhul ay macdanta ka qoddo shirkad laga leeyahay Canada.

Arrimaha mucjisada ah ee lagula yaabay godkan waxaa ka mid ah in uu marba marka ka dambaysa sii fidayo, iyadoo aan loo jeedin cid qodaysa.

Waaxda Qaran ee Adeegga Dhulka iyo Macdanta ee Chile ayaa koox khubarro ah u dirtay aaggaas, si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan.

Related posts

Max’ed Xaashi Cabdi & wafdi la socday oo lagu soo dhoweeyey Koonfurta Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo amar siiyay Ciidamada Ruushka u qaabilsan Isticmaalka hubka Nukliyeerka

Cabdi Cade

Yaa sugaya Amniga Doorashooyinka & Halka ay cabsida ugu xoogan ka jirto?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---