Faahfaahin: Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihin Jubada hoose oo la weeraray

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Kenya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeyn saldhig ciidamo Kenyan ah ku leeyihiin deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha rasmigaa ee dhimashada ay labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, waxaase ay wararka qaar sheegayan in 3 Askari Kenya looga dilay, halka tiro kale oo dhaawacya ahna ay jiraan oo dhinacyada ah.

Saraakiisha ciidamada Kenya, ayaana ka hadlin weerarkaan lagu bartilmaamedsaday ciidamo ka tiirsan iyaga, balse waxaa jira warar sheegaya in deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kadib weerarkii cuslaa ee kaga yimid dhanka Al-shabaab.

- Advertisement -