Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo xilkii ka qaaday Maxamed Axmed Jimcaale, Mid cusubna ku bedelay

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale.

Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, isagoo u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kaalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.

Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa Jaamacada ummadda Gudoomiye ka ahaa tan iyo intii dib loo aasaasay sanado ka hor, arrintan ayaana qeyb ka ah magacaabis iyo xilal ka qaadis xowli ku soocta oo Farmaajo ku dhaqaaqay markii aqalka hoose ee Baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyay hay’adaha dowladda qaarkood.

Gudoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda
Gudoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xiliga ay dalka ka baxayaan qeybtii ugu horeysay ciidanka ATMIS oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kawada hadlay hirgelinta qorshe muhiim ah

Cabdi Cade

Duqa Johannesburg oo ka laabtay hadal caro dhaliyay uu jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---