Daawo Sawirada: Isbitaalka Kalkaal oo soo gaba gabeeyay Wejigii 3-aad ee Qaliinka dadka faruuran

Isbitaalka kalkaal oo ka mid ah xarumaha caafimaad kuwooda ugu tayada wanaagsan ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa qaliin bilaash ah u sameeyay in kabadan 100 qof oo qaliin looga sameeyay dhanxanaga iyo faruuranka.

Isbitaalka Kalkaal  oo kaa shanaya hay’adda caalamiga ah ee Bleruza oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxa ay soo gabagabeeyeen wejigii saddexaad ee qaliinkaasi oo 120 qof loo sameeyay

Dadka ka faa’ideystay qaliinkan ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin daaweynta loo sameeyay  iyagoo kaga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha ee hormuudka u ahaa howshan, waxaana dadkaasi ay isbitaalka ugu yimaadeen deegaano fog fog oo kamid ah Gobalada dalka.

Madaxa Isbitaalka Kalkaal Dr. Abdiqadir Faarax Maxamuud oo munsaabadda ka hadlay ayaa waxa  uu xusay in qorshahoodu uu yahay in bulshada dib loogu celiyo lacagaha laga qaado, waxaana uu sheegay in isbitaalka uusan u furneyn ganacsi iyo dano gaar ah, balse ujeedkoodu yahay in bulshada Soomaaliyeed loo adeego.

Waxaa sidoo kale munsaabaddan ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federalka Soomaaliya, oo bogaadiyay howlaha dardarta leh ee isbitaalka Kalkaal u qabanayo bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey aheyd markii sibitaalka Kalkaal uu fulinayay qaliinka jilbaha iyo simaha oo shacab farabadan ay ka faa’ideystaan kuwoo u aadi jiray dalka dibadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -