Allbanaadir.com
NEWS

Nin Goob uu Shaqo ka helay u lugeeyay 32-km oo gaari la siiyay Farxadna la Ooyay (Daawo Sawirada)

Nin Dhalinyaro ah oo kunool dalka Mareykanka ayaa nasiib u yeeshay in gaari yar lagu abaal mariyo kadib markii ninkaasi uu usoo lugeeyay goob uu shaqo cusub dhawaan ka helay 32 km.

Walter Carr ayaa maalintiisii koobaad shirkad uu shaqo ka helay usoo lugeeyay 32-km kadib markii uu awoodi waayay in gaari soo kaxeesto ama xitaa uu iska bixiyo lacagta lagu raaco gaadiidka dadweynaha.

Ninkan ayaa la sheegay in xili habeenimo ah u lugeeyay magaalada ay ku taalo shirkada uu shaqada ka helay  si uusan u habsaamin, waxaana ninkan oo lugeenaya jidka ku arkay askari booliis ah kaa oo siiyay wax uu cuno .

Walter Carr ayaa shaqada ka helay shirkada alaabaha u rarta dadka, waxaana qisada ninkan ogaaday baraha bulshadana ku baahiyay qoys uu alaab u raray kuwaa uu xitaa ka diiday in uu nasto.

Milkiilaha shirkada uu shaqada ka helay ninkan reer tabareedka ah ayaa markii uu ogaaday xogta ninkan waxa uu siiyay gaari yar si uu ninkan ugu fududaao in shaqadiisa uu kusoo aado.

Luke Marklin oo ah mulkiilaha shirkadda Bellhops ayaa sheegay in uu la xanuunsaday dhibaatada uu soo maray shaqaalihiisa cusub, sidaas darteedna uu go’aansaday in uu baabuur siiyo.

Ninkan sheekadiida soo jiidatay Warbaahinta caalamka  ayaa farxad la ilmeeyay markii gaariga la siiyay, waxa uuna ninkan sheegay in uu yahay arday sanadkan ka qalin jabinaya jaamacad uu ka bartay kuliyada caafimaadka sidaas ay tahay go’aansaday in uu shaqeesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka hadlay sida Xaalkiisu yahay isaga oo Daal ka muuqdo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Lataliyihii dhinaca War-faafinta ee R/Wasaare Khayre oo is casilay iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Qiimaha la iibiyo xoolaha nool ee Suuqyada Muqdisho oo cirka isku shareeray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---