Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo shaacisay in maanta la dilay in ka badan 130 xubnood oo Al Shabaab ah

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay jabiyeen xubnihii Al Shabaabka ee soo weeraray, waxa ayna dowladda sheegtay in Al Shabaab laga dilay in ka badan 120 xubnood oo katirsan Al Shabaab , sidoo kale laga furtay hub nuucyo kala duwan ah.

Dowladda warka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay sii baacsanayaan haraadiga kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday laguna jabiyay, kuwaa oo dib ugu gurtay goobihii ay kasoo weerarteen.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoonka Baarlamanka Puntland oo qabtay Mooshin Xilka looga qaadayo Guddoomiye Dhoobo

Caydiid Ali

Ku dhowaad boqol qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dibed-baxa Somaliland

Caydiid Ali

Caruus la dilay xili la joogay xaflada Arooskiisa iyo Farxadoo oo Murugo isku bedeshay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---