Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo kuxigeenkiisa Axmed Karaash u magacaabay La-taliye cusub (Wareegto)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Puntland Axmed Karaash.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Siciid Deni ayuu ugu magacaabay Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) in uu noqdo la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

Madaxweyne Deni Xeerka uu soo saaray ayaa u qornaa sida tan :

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.
Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Soomaali ah oo loo xiray qarax dad badan ku dhinteen oo ak dhacay DR Congo

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka oo laga guddoomay warqada Aqoonsiga Safiirnimo

Cabdi Cade

Cudurka Mpox oo soo caga dhigtay Kenya iyo Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---