Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sudan oo si buuxda Ula wareegtay dhul ay ka heestay Itoobiya iyo xiisad taagan

Ciidamada milatariga dowlada Sudan ayaa si buuxda ula wareegay dhul kuyaala xuduuda dalkaasi la wadaago Itoobiya ay horey u qabsadeen dad beeraley ah oo u dhashay dalka Itoobiya kadib isbuucyo dagaalo halkaasi ka dhacayeen.

Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa sheegay in ciidanka milatariga Sudan si buuxda ula wareegeen dhulka horey u heesteen Beeraley Itoobiyaan ah kadib howlgal ciidanka xadka ka wadeen.

Kahor inta aysan ciidamada Sudan si buuxda ula wareegin dhulka kuyaala Xuduuda ay heesteen dad Itoobiyaan ah ayaa waxaa bur buray Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal oo looga hadlayay xiisadan soo korortay.

Dowlada Itoobiya ayaana ku eedeesay Xukuumada Khartuum in ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda labada dal, waxaana hada sii xoogeesanaya xiisada u dhaxeysa labada dal ee ka dhalatay howlaglka m ilatariga Sudan xadka ka bilaabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masaajidyo kuyaala Sacuudiga iyo Turkiga oo Janaaso looga dukaday Jamal Khashogi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qayb galay furitanka Shir-madaxeedka J/Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---