(Akhriso) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarradii xoogganaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya maanta oo ugu yaraan 20 qof.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii maanta oo midkii ugu horreeyay uu ka dhacay goob baaritaan oo ku taal agagaarka Masraxa Qaranka ee Muqdisho. dadka lagu dilay qaraxyada waxaa ka mid ahaa suxufi Soomaali ah oo ka shaqeeya shabakadda Universal TV oo fadhigeedu yahay London.

“Weerarrada ka dhacaya Muqdisho maanta waa kuwo fuleynimo ah oo lala beegsanayo dadka Soomaaliyeed, xad gudubna ku ah xuquuqda ay u leeyihiin iney nabad iyo sharaf ku noolaadaan,” ayuu yiri Mr. Haysom.

“Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada gacan-ka-hadal ah oo masuul ka ah denbiyadaas naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dhaawacyada ay ka soo kabsadaan dhaawacyadooda. ” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -