Wariye Caan ah oo dilay Xaaskiisa kadib markii ay bixin weysay Gabaati (Daawo Sawirro)

Wariye caan ka ah dalka Hindiya kana shaqeeya Telefishin dalkaasi kuyaala ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay xaaskiisa, kadib markii ay bixin weysay gabaati uu ka rabay in ay siiso.

Dalka Hindiya ayaa dhaqan soo jireen ka ah in haweenka la guursanayo ay gabaati siiyaan raga ay xaaska u noqonaaan, waxa ayna haweenka ku qasban yihiin in ay raga siiyaan gabaatiga shardiga u ah guurkooda.

Wariye Suhaib Ilyasi oo daadihiye ka ah barnaamij ka baxa Telefishin kuyaala dalka Hindiya oo looga hadlo Dambiyada ayaa horey u sheegay in xaaskiisa ay iyada is dishay , hasa ahaatee baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Suhaib isagu dilay xaaskiisa.

Ninkan ayaa la sheegay in xaaskiisa u geestay jir dil aad u xoogan si ay qoyskeeda u bixiyaan gabaatigii uu ka rabay , waxaana la sheegay in gabadhaasi u geeriyootay jirdilkii uu ninkeeda u geestay.

Gabadha la dilay hooyadeed ayaa codsatay in dilka gabadheeda lagu sameeyo baaritaan, waxa ayna ka shakisneyd in gabadheeda iyadu is dishay, waxaana ugu dambeyn baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in Wariyaha uu xaaskiisa isagu dilay.

Dalka Hindiya ayaa laga mamnuucay Haweenka la guursanayo in bixiyaan gabaati sanadkii  1961-dii,hasa ahaatee dalka Hindiya ayaa wali looga dhaqmaa dhaqankan soo jireenka ah ee dumarka raga guursanaya ku siinayaan gabaati.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -