C/raxmaan C/shakuur ” Ma aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shalay dacwad ku weysay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kulul u beeniyay hadal dad badan ka careesiiyay oo shalay ka dhawaajiyay.

Muuqaal shalay laga duubay Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay soo dhamaatay Maxkamdeyntiisa ayuu ku sheegay  in dadkii martida u ahaa xoog wax ku raadinayaan, iyaguna ay sharci wax ku raadinayaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook C/raxmaan C/shakuur ayuu ku beeniyay in hadalkan lagu heesto uu ka dhawaajiyay, waxa uuna tilmaamay in muuqaalka hadalkaasi laga daawaday uu ahaa mid la jar jaray.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu Mr Warsame soo dhigay Facebooka.

Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan aaminsanahay in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin gayiga Soomaaliyeed, mana aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho ama ama magaalooyinka kale.

Waxaan hubaa in taariikhda halgankayga, fikirkayga siyaasadeed iyo saaxiibbada aan ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed ay daliil u tahay waxaan ka aaminsanahay wadaniyadda, wadajirka iyo sinnaanta dadka soomaaliyeed.

Hadalka la soo barjaray waa mid si ula kac ah la isugu soo aadiyey, loona fasiray, si sumcaddeyda loo dhantaalo. Waxaana ka dambeeya kooxdii duullaanka bahalnimada ah kusoo qaaday gurigeyga, kuna laayay 6 qof, anigana i afduubay.

Beeni raad ma leh!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -