Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weeraro ka fuliyay deegaano kuyaalla dalka Kenya

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahano katirsan kooxdaasi ay weeraro ka fuliyeen gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen saldhig ciidamada booliiska Kenya kaga sugnaayeen deegaanka Ceel-Qaallow ee hoostaga Mandheera kuna yaalla xadka Soomaaliya.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu qaaday ciidanka Kenya uu ku dhaawacmay askari katirsanaa ciidankaasi, mana sheegin dhinacooda Al Shabaab khasaaraha kasoo gaaray weerarkan.

Dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Kenya oo marayay deegaannada Fiinow iyo Sheekh Barroow oo hoostaga Mandheera.

Weerarkan lama sheegin khasaaraha ka dhashay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo dowladda Kenya kasoo saartay labadan weerar ee ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga magaalada Bandheera ee gobolka Waqooyi Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Wakiilada Duulimaadka Somalia oo ka hadlay Khilaafka ka taagan Arimaha Xajka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirkii Madaxweynaha isku bedelay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Imaaraadka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---