Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirkii Madaxweynaha isku bedelay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan la yeeshay Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadiisa balse hada noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Gabeed Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka taageeray doorashadii uu ku guuleestay.

Kulanka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya la yeeshay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arimo dhoor ah oo ay kamid yihiin  sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen maamulka iyo Dowlada Federaalka.

Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in taageero dhinacyo badan ah ku bixisay sidii Cabdicasiis Lafta Gareen oo katirsanaa Wasiirada Kheyre uu u noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Townsend: “Halista Al-Shabaab wey sii kordhaysay 12kii bilood ee la soo dhaafay”

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

Cabdi Cade

Soomaaliya oo laga qaaday xayiraad muddo 30 sano ah saarneyd (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---