Midowga Wakiilada Duulimaadka Somalia oo ka hadlay Khilaafka ka taagan Arimaha Xajka (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta shir ku qabtay magaalada Muqdisho Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya (SATTA) , waxaana shirkan looga hadlayay khilaafka xiligan ka taagan Arimaha Xajka.

Shirkan ay soo qaban qaabisay Midowga Wakiilada Duulimaadka Soomaaliya waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Wakiilada Agenesiyada ka shaqeeya arimaha Xajka, waxgarad, Culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Dadkii kala duwanaa ee ka hadlay shirkan ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta in la xaliyo khilaafka ka taagan arimaha xajka lana fududeeyo maadaama la gaaray xiligii laga shaqeyn jiray arimaha xajka.

Gudoomiyaha Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya (SATTA) Cali Axmed Faarax  ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in la yareeyo qarashka badan ee xajka lagu tago balse loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka hada taagan.

Waxa uuna ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in la tix galiyo shirkadihii kasoo shaqeenayay arimaha xajka kuwaa uu sheegay in ay soo shaqeeyeen waqti adag una dhabar adeegeen marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Ugu dambeyn warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya (SATTA) Warbaahinta waxaa u aqriyay Dahir Salad Axmed oo kamid ah aas aasayaasha Ururkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -