Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Liyuu Booliis oo ka socda Afdheer

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka socda deegaano katirsan gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka oo maanta dib u bilowday ayaa soo gaaray ilaa caawa , waxa ayna labada dhinac ciidankooda ku dagaalamayaan dhul banaan oo kuyaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhinaca gobolka Afdheer.

Ciidamada Liyuu booliiska oo helay gurmad badan ayaa isku dayaya in ay go’doomiyaan dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, waxaana labada ciidan dhax maraya dagaal dhiig badan ku daatay.

Saraakiil katirsan maamulka dowlad deegaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii socday saacadihii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegeen in dagaalka ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale kusoo qabtay xubno nool iyo hub.

Al Shabaab ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dagaalka socda maalintii labaad, waxa ayna horey Al Shabaab u sheegeen weerar ay ku qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Liyuu booliis in ay ku dileen in kabadan 70-askari kuwa noolna soo qabteen.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Liyuu booliis iyo Al Shabaab ayaan wali la ogaan karin, waxaana dagaalka labada dhinac waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo kunool goobaha lagu dagaalamayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -