Booliiska Sacuudiga oo Talaabo ka qaaday Muwaadin Xajka geeyay nin aan Muslim aheyn

Booliska ka howlgala gobolka ay ku taallo magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waaxda dacwad-oogista u gudbiyay muwaadin lagu eedeeyay inuu ku kacay fal hadal-hayn ka dhex dhaliyay Muslimiinta, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA).

Ninkan oo xabsiga la dhigay ayaa loo haystaa inuu si sharci-darro ah u caawiyay weriye aan Muslim ahayn oo uu u fududeeyay inuu si qarsoodi ah ku galo magaalada barakaysan ee Maka, oo ay booqanayeen Muslimiin ka kala timid caalamka.

Dambiga lagu soo oogay ayaa ah inuu ninka Israa’iiliga ah oo haysta dhalashada Mareykanka mariyay waddo si gaar ah loogu talagalay in ay isticmaalaan dadka Muslimiinta ah oo keliya.

Afhayeenka booliska Maka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadinka caawiyay ninka Israa’iiliga ah uu ku xadgudbay sharciga dadka aan Muslimiinta ahayn ka mamnuucaya in ay galaan magaalada Maka ee ay ku taallo Kacbada.

Sidaas awgeed, booliska ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninka u dhashay Sacuudiga ee caawiyay ninka aan Muslimka ahayn ee gudaha u galay magaalada Barakaysan, waxaana laga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan.

Ninka Israa’iiliga ah oo lagu magacaabo Gil Tamary ayaa sawir iska soo qaaday isagoo ku sugan Buurta Carrafo ee ay ku cibaadaystaan Xujayda Muslimiinta ah ee ka kala yimaada meelo kala duwan oo caalamka ah.

Tamary ayaa fuulay buurta Carrafo oo ah goob xurmo leh oo ay Muslimiintu isugu yimaadaan si ay ugu gutaan cibaadada ugu wayn ee acmaasha xajka.

Waxaa baraha bulshada qabsaday muran xoog leh oo ku saabsan arrintan oo uu ku lifaaqay booqasho uu si caadi ah ugu joogay waddanka boqortooyada Sacuudiga.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ma aysan magacaabin ninka aan Muslimka ahayn ee ku dhex dhuuntay dadka galayay Maka, balse waxay ku tilmaantay inuu yahay muwaadin Mareykan ah.

Taliska booliska ayaa sheegay in ay waaxda dacwad-oogista u gudbiyeen kiiska ninka Israa’iiliga ah, si looga qaado tallaabada ku habboon ee waafaqsan sharciga u yaalla waddanka, sida ay sheegtay Wakaaladda.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -