Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab

Dowladda Kenya ayaa qaati ka taagan dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo weeraro gaadmo ah inta badanĀ  ka geesta gobolada Xeebta iyo Waqooyi bari ee dalka Kenya .

Kenya ayaa marar badan waddamada reer galbeedka ka codsatay in ay ka taageeraan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab ,waxaana hadda Kenya taageero dhaqaale iyo mid milatari ka heshay qaar kamid ah waddamada saaxiibka dhaw la ah.

Dowladda Ingiriiska ayaana sheegtay inĀ  dowladda Kenya ka taageerayso xoojinta dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagasida , waxa ayna Ingiriiska Kenya u ballanqaaday in ay siineyso malaayiin dollar.

Lacagtan malaayiinta dollar ee Ingiriiska siinayo Kenya ayaa lagu hirgalinayaa xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee –ATPU loo soo gaabiyo ee Kenya, taasoo laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa.

Al Shabaab ayaa inta badan Gobolka Xeebta ee Kenya ka geesata weeraro xoogan, waxaana dowladda Kenya dooneysaa in ciidamo badan geeso gobolkaasi si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nicholas Haysom oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Somaliland oo soo bandhigtay Magacyada Lix Hay’adood oo shaqo joojin ay ku sameysay

Cabdi Cade

Milateriga qabsaday Sudan oo ka hadlay sida ay ka yeelayaan Cumar Xasan Al-Bashiir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---