Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka Jarmalka & Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ay aasaas u tahay kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalidda isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guuleysatay qorsheyaasha isbeddelka dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hoosta ka xariiqay inay hiigsaneysa xoojinta kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kor u qaadista dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan  shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

Related posts

Taliska Booliska oo wax ka bedelay bandowgii lagu soo rogay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Cabdi Cade

Siyaasi sheegay in masiirka dalka u muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---