Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo degmada Afgooye ka soo qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa la sheegay iney howlgal ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa howlgalkan laga sameeyey degaanka Mukayga oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey idaacada codka ku hadasha codka dowlada ee Radio Muqdisho.

“Hawlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa oo ay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen Mukaya oo ka tirsan degmada Afgooye ayey ku soo qabteen Dhagar qabe Macallin Xaashi oo deegaanadaas u qaabilsanaa Argagixisada Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka baxay warbaahinta dowlada.

Faahfaahin intaas dheer lagama bixin howlgalkan iyo sida uu u dhacay, mana cadda heerka iyo darajada uu Al-shabaab ka joogo sarkaalkan magaciisa lagu sheegay Macalin Xaashi ee la soo xiray oo aan sawirkiisa la soo bandhigin.

Related posts

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo Su’aallo laga weediiyay xaalada maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhaxe

Cabdi Cade

Dab khasaaro geestay oo qabsaday qeyb Kamid ah Keydka Hadalka Radio Muqdisho

Cabdi Cade

Faahfaahin:-Shacabka Magaalada Belad-weyne oo dhiban & dibad-baxyadii Muqdisho oo..

admin
Taboola Ads ---