Dibed-bax saaka ka bilowday Muqdisho iyo jid Muhiim ah oo ku xirmay

Dibed-bax ay dhigayaan darawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ayaa saaka ka bilowday nawaaxiga degaanka Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidleydan ayaa ka cabanaya in muddo todobaad ka badan ay ka xiran yihiin inta badan jidadka magaalada, aysana waxba iska bedelin canshuurta maalinlaha ah ee laga qaado.

Qaar ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee homeyda loo yaqaano ayaa lagu jaray wadooyinka soo gala Ex-kontrol Afgooye, taasoo keentay inuu cakirmo isku socodka gaadiidka u kala gooshaya magaalada Muqdisho iyo degaanada ku teedsan wadada Afgooye.

“Isma keeneyso in dowladu xirato jidadka, nagana qaado canshuurtii maalinlaha aheyd ee nalaga qaadi jiray, maxaa yeelay dhaqaalaha na soo gala nooma saamixi karo inaan canshuurta sidii loogu talo galay u bixino” ayuu yiri mid ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee dibed-baxa cabashada ah dhigaya saaka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ka qaada maalin kasta lacag ku dhow 2 dollar oo canshuur ah.

Ma jiro jawaab illaa hadda maamulka gobolka Banaadir uu ka bixiyey cabashada iyo dibed baxa ay sameynayaan darawalada gaadiidka BL-ah oo ku soo aadaya xili maalin ka hor ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dibed-baxyo rabshado watay oo ay dhigeen bajaajley ka cabaneysay falal dil ah oo ay ku hayaan ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -