Faahfaahin: Macalin Nuur Maxamed Jimcaale oo lagu dilay Muqdisho

Xalay saqdii dhexe waxaa Xaafadda Nageyle oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir lagu dilay Macalin wax ka dhigi jiray Dugsi Qur’aanka laga barto oo caan ka ahaa xaafadaas.

Macalin Nuur Max’ed Jimcaale ayaa sidoo kale ahaa Macalin Kutubta diintana ka akhrin jiray Masjid ku yaalla Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa Qoryaha Ak-47 ay rasaas ku fureen macalinka xilli uu masjidka ka soo baxayey kuna sii jeeday hoygiisa.

Raggan dilka geystay oo lagu tilmaamay burcad ayey wararku sheegayaan iney macalinka ka qaateen telefoonkiisa gacanta, ayna goobta ka baxsadeen sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku soo batay dilalka iyo dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah, kuwaasoo ay ka dambeeyaan Kooxo Burcad ah oo hub kala duwan isticmaalaya.

- Advertisement -