Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi balan qaaday in Magaca Wadankiisa uu bedeli doono hadii uu Madaxweyne noqdo

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe Nelson Chamisa ayaa balan qaad yaabka leh sameeyay xili uu khudbad ka jeedinayay isku soo bax ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah taageeraaashiisa.

Waxa uu sheegay Siyaasigan in magaca uu wato dalkiisa ee Zimbabwe uu habaaran yahay, waxa uuna balan qaaday in magacaasi uu bedeli doono Zimbabwe-dii sharafta lahayd hadii uu noqdo Madaxweynaha dalka .

” Magaca Zimbabwe waa habaaran yahay nasiibna malahan, markasta xulka kubada cagta dalkeena waa laga badiyaa , hadii aan Madaxweyne noqdo waxaa magaca dalka u bedeli doonaa  ‘Zimbabwe-dii sharafta lahayd’” Ayuu yiri Nelson Chamisa.

Siyaasigan Mucaaradka ah ee balan qaaday in magaca dalkiisa badalayo ayaa ka qeyb galaya doorashada Madaxweyne ee dalka Zimbabwe ka dhaceysa 30-ka bishan July, waxa uuna la tartami doonaa Madaxweynaha talada Zimbabwe hada haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/YX7QRq28heU

 

Related posts

Doorashadii Kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo gabagabeeyay (Yaa la doortay)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo qaabilay wefdi uu horkacayey Mr. Adam Abdelmoula (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoonka KMG ah ee Baarlamanka federaalka Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---